Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi oo sheegay hal sabab oo uu shirka London ku haysan wax sharciyad ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xildhibaanada mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay Shirka Shidaalka ee ka dhacaya magaalada London.

Shirkaasi ayaa sida qorshaha uu yahay wuxuu ka dhici doonaa magaalada London 7 bisha soo socota ee Febraayo, kaasi oo looga hadli roono arrimaha shidaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Fiqi ayaa heegay in Shidaalka uu ka mid yahay Kheyraadka ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana loo baahan yahay in laga fakaro bixinta ruqsooyinka bixinta shidaalka.

“Shidaalka Soomaaliya wuxuu ka mid yahay Khayraadka dadka Soomaaliyeed ay wada leeyihiin, In loo hawlgalo Suuq-gayntiisa, Heshiis la gelid shirkado kale iyo shati bixin waxaa jira tallaabooyin badan oo ka horeeya”.

“Haddaba, shirka 07 Febraayo 2019 ay wasaaradda Batroolku ku qabanayso London ee lagu bixinayo shatiyada qodista shidaalka Soomaaliya, waa mid suuq madow ah oo aan haysan sharciyadii iyo hey’adihii la rabay In la dhiso ka hor inta aan la qaadin tallaabooyinkaas oo kale” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this