Deeq A. Posted January 31, 2019 (SLT-Washington)-Dadka adeegsada facebook-ga ayaa sii kordhaya ayadoo ay jiraan fedeexooyin xidhiidh ah oo ku aaddan sida loo maamulo xogta dadka ee gaarka ah iyo dhaliilo la xidhiidha isku dayga sharikaddaasi ay ku doonayso in ay ku cidhibtirto waxyaabaha xun xun ee bartaas lagu wadaago. Sharikaddan wayn ee ay bulshadu kuwada xidhiidho ayaa sheegtay in tirada dadka barteeda iska diiwaan galiyey ay ugu yaraan bishii hal mar kor ugu kaceen 9% sannadkii horena ay dadkaasi gaareen 2.32 bilyan oo qof. Kororkaan ayaa imaanaya ayadoo ay jiraan ololeyaal dadka looga digayo in ay ka fogaadaan adeegsiga Sharikaddaas. Aas aasaha Sharikadda Mark Zuckerberg ayaa yidhi ” Wax weyn ayaan ka baddalnay sida aan u maamulno sharikadda anagoo diiradda saarayna arrimaha ugu waaweyn ee bulshada”. Ayadoo dhaqaalaha sharikadan uu sii xoogaysanayo ayaa haddana waxaa jira walaac laga qabo sida ay sharikaddani u maamusho xogta gaarka ah ee dadka adeegsada barteeda kadib markii ay soo baxday fadeexaddii the Cambridge Analytica data sharing ee dadka xogtooda lagu jabsaday iyo sidoo kale walaac laga qabo in shabakaddaas loo adeegsado dano siyaasadeed. Sharikaddan ayaa lumisay ku dhawaad saddex meelood saamiyadeeda tan iyo bishii July kadib markii looga digay in ay hoos u dhigto koritaanka dakhligeeda. Hase ahaatee waxay hal mar kor u kacday 9% yadoo faaidaasi ay aad uga sarraysay macaashkii ay saadaaliyeen dadka wax falanqeeya. Isugaynta macaashka ay heshay sharikadda Facebook sanadkii 2018 ayaa ahaa $22.1 oo bilyan macaashkaas oo kor u kacay 39% marka loo eego sanadkii 2017. Dalalka ay sida gaarka ah u kordheen dadka adeegsada facebook-ga ayaa waxaa kamid ah India, Indonesia iyo Philippines, hase ahaatee isma aanay baddalin tirada dadka adeegsada ee kunoool Maraykanka iyo Canada. Source Share this post Link to post Share on other sites