Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Suudaan Oo La Xidhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Laamaha ammaanka dalka Suudaan ayaa xabsiga dhigay gabadh uu dhalay hoggaamiyaha mucaaradka Suudaan, Sadiiq Al Mahdi, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Labo kamid ah gawaadhida booliska ayaa gaadhay guriga ay degganeyd Maryan Sadiiq Al Mahdi shalay halkaas oo ay ka kaxeeysteen.

Maryan ayaa ah ku-xigeenka madaxa xisbiga Ummah oo ee u hoggaamiyo aabaheed oo 83 jir ah.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, Sadiiq Al Mahdi oo horraan ra’iisul wasaare uga soo noqday dalka Suudaan ayaa taageeray dibadbaxyada lagu codsanayo inuu is-casilo madaxweyne Cumar Al Bashiir.

Xidhitaanka gabadhiisa, Maryan ayaa imaaneysaa xilli mid kamid ah saraakiisha ugu sarreysa dalkaasi uu maalin un ka hor shaaca ka qaaday in xabsiyada laga sii daynayo dadka loo xidhay bannaabaxyada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this