Deeq A. Posted January 31, 2019 Weli waxaa socda dadaalka kooxada gargaarka ay ku baadi-goobayaan dadka lagu la’yahay doon ku quustay xeebta Abok ee dalka Djibouti, taasi oo ay saarnaayeen 130 qof, oo 16 ay haween ahaayeen. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP, waxaa la helay meydka 52 qof, dadkaasi oo u badnaa Itoobiyaan waxaa ay u socdeen Jaziiradda Carabta, 16 ayaa laga badbaadiyey doontaas, laakin waxaa la sheegaya ain doon kale ay jirtay, oo aan wax laga heyn. Hey’adda IOM, waxaa ay sheegeysaa in doonta ay qalibmatay nus saac kadib markii ay dhaqaaqday. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites