Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyey Doontii Ku Quustay Djibouti

Recommended Posts

Deeq A.   

Weli waxaa socda dadaalka kooxada gargaarka ay ku baadi-goobayaan dadka lagu la’yahay doon ku quustay xeebta Abok ee dalka Djibouti, taasi oo ay saarnaayeen 130 qof, oo 16 ay haween ahaayeen.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP, waxaa la helay meydka 52 qof, dadkaasi oo u badnaa Itoobiyaan waxaa ay u  socdeen Jaziiradda Carabta,

16 ayaa laga badbaadiyey doontaas, laakin waxaa la sheegaya ain doon kale ay jirtay, oo aan wax laga heyn.

Hey’adda IOM, waxaa ay sheegeysaa in doonta ay qalibmatay nus saac kadib markii ay dhaqaaqday.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this