Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo Ka Socda Degmada Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in howlgallo ballaaran ay ka wadaan degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Howlgalladan ayaa daba socda kadib dil xalay magaaladaasi loogu geystay Nabadoon Xayeesi Mursal oo ka mid ahaa ergadii soo xushay xildhibaannada golaha shacabka.

Dadkii dilkaasi ka dambeeyey oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa goobta isaga baxsaday, hase ahaatee ciidamada dowladda ayaa wada howlgallo ay raggaasi ku raadinayaan.

Saraakiisha ammaanka ee degmada Afgooye waa ay ka gaabsadeen in ay faah faahinno ka bixiyaan howlgalladan iyo haddii ay jiraan dad ay kusoo qabteen.

Warkaan wiixi kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this