Sign in to follow this  
Deeq A.

Hirshabelle: Ururada Bulshada Rayidka Oo Rajo Ka Muujiyey Xallinta Dagaal Beeleedyada (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururada Bulshada rayidka Hirshabele ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan dedaallada lagu soo afjarayo colaadaha ka jira degaanno ka mid ah maamulkaas.

Guddoomiyaha ururada bulshada Rayidka Hirshabelle, Cabdiraxiin Axmed Maxamed ayaa sheegay in inta badan  lagu guulaystay dhammaynta , xiisadihii ka jiray Hirshabeele ee la xiriiray qabaa’ilka.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in sidoo kale hadda la wado dedaallada ku aaddan sidii heshiisiin loo gaarsiin lahaa beelaha isku haya deegaannada maamulkaasi.

Guddoomiye C/raxiin ayaa sheegay in cid walbo oo kasoo jeedda Hirshabelle waajib ka saaran yahay xallinta colaadahan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Gudoomiyaha-Bulshada-Rayidka-Hirshabelle-Wareysi-Cabdiraxiin-Axmed-.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this