Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Jubbaland Oo Xalinya Tabashada Shacabka Degmada Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmada Baardheere ee gobolka Gedo waxaa ka socda shirar looga hadlayo sidii loo dhammeyn lahaa khilaafka hoggaanka Jubbaland iyo sidoo kale waxgaradka degmadaasi.

Xildhibaan Shire Colay oo qeyb ka ah wafdiga madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in wadahadalladan ay haatan meel wanaagsan marayaan.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in ay la kulmeen waxgaradka islamarkaana hadda waxyaabo badan la isku fahmay.

Si gaar ah xildhibaan Shire ayaa sheegay iney xalin doonaan wax walbo oo ay tabanayaan waxgaradka iyo shacabka degmada Baardheere.

Marar badan ayaa degmada Baardheere ee gobolka Gedo waxaa laga diidey maamulka Jubbaland, si gaar ah madaxweynaha maamulkaas iyo ku xigeenkiisa.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this