Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Xooga Dalka Oo Lagu Dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho(S.M.Network):-Kooxo hubeysan ayaa saakay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Xamarweyne ku dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliyeed.

Dilka Sarkaalkan oo lagu magacaabo Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Ibraahim Cabdulle ayaa ka dhacay waaxda hilaac ee degmada Xamarweyne waxaana rag bastoolo ku hubeysan ay ku dileyn meel aan ka fogeyn hooygiisa.

Dilka Kadib ciidamada amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay,waxaana ay bilaabeen baaritaan ku aadan cida ka danbeysa dilka Gaashaanle sare Cabdulqaadir Ibraahim Cabdulle.

Majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka loo geystay sarkaalkan ka tirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliyed,balse inta badan dagaalyahanada Alshabaab ayaa magaalada Muqdisho ka fuliya dilal noocaani ah.

The post Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Xooga Dalka Oo Lagu Dilay Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this