Deeq A. Posted January 31, 2019 Hiiraan(S.M.Network):-Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi xalay duqeymo ay ka fuliyeen diyaarado jawi hoose ku duulayay oo aan la ogeen halka laga leeyahay. Faahfaahinada laga helayo duqeynta sheegaya in duqeyntaasi ay ka dhacday deegaanka Luuq Jeeloow ee gobolka Hiiraan,isla markaana lala beegsaday fariisimo dagaalyahanada Alshabaab ay halkaasi ku lahaayeen. Lama ogaha qasaaraha ka dhashay duqeynta laga fuliyay gobolka Hiiraan,balse dadka deegaanka ayaa sheegay in ay jirto cabsi ay ka qabaan diyaaradahaasi aan la aqoon halka laga leeyahay. Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa inta badan duqeymo ay ku beegsadaan dagaalyahanada Alshabaab ka fuliya Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Diyaarado Duqeyn Ka Geystay Gobolka Hiiraan appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites