Deeq A. Posted January 31, 2019 Jubada Hoose(S.M.Network):-Kolonyadan oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay kasoo tilaabay xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya,waxaana ay kusii jeedaan dhinaca degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalyahanada Alshabaab ay qarax kula eegteen inta u dhaxaysa Degmoogyinka Dhoobleey iyo Afmadaw oo ka tirsan gobolka Jubadda hoose. Al shabab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyadasi laga eegtay ciidamada Kenya ee kasoo talaabay xadka dalalka Kenya iyo soomaliya. Lama oga ilaa iyo haatan qasaaraha dhabta ah ee kadhashay qaraxyaadsi lala eegtay ciidamada Kenya. Dowladaha Kenya iyo Somaaliya ayaa ku heshiyay in ay sika kaashadaan weerarada kadhanka ah al shabab oo dagaal xoogan kula jirta dowladda Soomaaliya iyo howlgalka midowga Africa ee Amsiom. Al shabab ayaa inta badan weeraro dhabogal ah kuqaada ciidamada dowladda Kenya xiliyada ay kusocdaalayan wadooyinka xiriiriya koonfurta soomaliya. The post Alshabaab Oo Weeraray Ciidamo Ka Tirsan Milatariga Kenya appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites