Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Waare kaga duwanaaday Madaxda maamul goboleedyada Kadib kulamadii Garowe?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Kulankii ka dhacay magaalada Garowe kadib madaxda maamul goboleedyada ayaa dib ugu laabtay deegaanada caasimadda u ah si waxyaabaha looga hadlay shirkii ka dhacay magaalada Garowe ay ula wadaagaan xubnaha ay isla shaqeeyaan.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaanan ku hakan magaalada Jowhar oo caasimad u ah maamulka Hirshabeelle, waxaana diyaaradii uu la socday ka haray guddoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaano la socday, iyadoo isla diyaaradda ay Waare usoo gudbisay magaalada Muqdisho.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Waare  uu usoo gudbay magaalada Muqdisho sabab la xiriirta kulamo kale gaar ah oo uu doonayo inuu la yeesho madaxda dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Waare uu doonayo in madaxda dowladda Soomaaliya uu kala hadlo kadib heshiiskii ay la galeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle, inaysan helin dhaqaalo badan oo loo balan qaaday.

Waare ayaa ka duwanaaday madaxdii maamul goboleedyada ee ka qeyb galay munaasabadii ka dhacday magaalada Garowe, sababtoo ah madaxda maamul goboleedyada ayaa dhamaan dib ugu laabtay caasimadaha maamul goboleedyada, laakiin Waare ayaa usoo gudbay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Waare ayaa la sheegay in hadda uu ka dagay culeesaadkii baarlamaanka, balse waxaa jiro culees siyaasadeed u dhaxeeyay isaga iyo madaxda maamulka Hirshabeelle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this