Deeq A. Posted January 31, 2019 Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanad ka hor safar ku maray gobolo badan oo ka tirsan deegaanada Puntland iyo Galmudug. Hal Sano ka hor Madaxweyne Farmaajo waxaa uu deegaanada Puntland iyo Galmudug ka sameeyay Dhaxdhigga Mashaariic ku dhow 20, maamulada deegaanadaasi ka arimaya waxa ay sheegayaan in xataa aysan socon dadaallo lagu fulinaayo Mashaariicdii uu ballanqaaday Madaxweynaha oo markii horaba Siyaasiyiinta qaarkood ay la yaabanayeen sidda loo fulin doono. Dhismaha dekedda degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayuu dhagax dhigay 23 Bishii January 2018, waa mid ka mid ah Mashaariicda dadka degaanada Galmudug ay u qabeen Baahida badan, Madaxweyne Farmaajo, xilligaasi waxaa uu sheegay in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo dhisi doono dekedda waxaana uu xukuumadda ku amray fulinta Mashruuca Dekedda. Dekeddii wali howli kama socoto Sidda uu xaqiijiyay Shalay Senetor Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo sheegay in madaxweynaha hal sano ka dib looga fadhiyo fulinta dhismaha Dekedda Hobyo iyo Mashaariicdii uu ballanqaaday. Akhriso mashaariicda madaxweyne Farmaajo uu dhagax dhigay sanad ka hor. Wado Laami isku xirta Garoowe & Eyl (222km) Wado Laami isku xirta Kala Bayr & Caluula(376km) Wado Laami isku xirta Galkacyo & Hobyo (264km) Wado Laami isku xirta Hobyo & Caabudwaaq (355km) Dayactirka laamiga isku xira Dhuusamreeb & Gaalkacyo (235km) Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta-Gaalkacyo-Galmudug Xabsiga dhexe ee Galmudug – Galkacyo Xarunta xanaaneynta agoonta Ahlusuna – Dhuusamareeb Dugsiga Farsamada Gacanta – dhuusamareeb Dhismaha Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb Dhismaha xabsiga magaalada Dhuusamareeb Dhismaha Jaamacadda Umadda Gaalkacyo Dhismaha Jaamacadda Umadda Cadaado Dhismaha Jaamacadda Umadda Dhuusamareeb Dhismaha Jaamacadda Umadda Caabudwaaq Dhismaha Xabsiga Caabudwaaq Garoonka diyaaradaha Cadaado Dhismaha Dekedda Hobyo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action Posted January 31, 2019 Typical Somali political leaders described by the famous Somali adage " Qowda maqashii waxna how qaban" Quote Share this post Link to post Share on other sites