Deeq A. Posted January 31, 2019 Ma aha mid shaki la galin karo in uu bilowday ol’olihii doorashada soo socata ee madaxtinimada Soomaaliya. Xafladii caleemo saarka ee Garowe, Caasimadda Puntland ka dhacday ayaa tusaale mug weyn u ahayd taas oo ay isku arkeen siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo dhan. Taas oo jirta, hadana waxaa uu muran xoogan u dhexeeyey dowlada hada jirta iyo kooxaha mucaaradka ah oo yeeshay wajiyo xisbiyo. Xisbiyada UPD iyo Wadajir ayaa Muqdisho ugu caansanaa, balse kuwaas waxaa kulamooda is hortaagi jirtay dowladda dhexe. Buuq badan ayey arrimahaas abuureen waxaana ugu dambeeyey kulan aqoon is weydaarsi ay xisbiga UPD Baydhabo ku qabsan rabeen oo maamulka Koonfur Galbeed is hortaagay. Waxaa ka horreeyey maalin ama laba kahor kulan xisbiga Wadajir ay Hotel Maka-Almukarah ku qabsan rabeen oo booliska kala eryeen. Arimhaas oo jira ayaa waxaa hadda si xowli ah ku soo koray saaxada xisbiga Hilimo Qaran oo uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Dhaq dhaqaaq iyo xafiisyo furis ayuu xisbigaas ka wadaa dalka, gaar ahaan Puntland, hadaba waxaa la’is weydiinayaa, dowladda side ayey ula dhaqmi doontaa Hilimo Qaran oo la ogyahay xiriirka ka dhexeeya Farmaajo iyo Sheekh Shariif? Sheekh Shariif hadii uu bilaabo kulamo siyaasadeed sida kuwii ka horreeyey ee UPD iyo Xisbiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur sameystay ee Wadajir ma ula dhaqmi doontaa sidooda oo kale mise isaga is ka duwan ayey ula macaamili doontaa? Waxa xaqiiq ah in dhawaan wax walba kala cadaan doonaa balse dowladda waxaa hubaal ah in uu Sheekh Shariif iyo Xisbiga Himilo Qaran xujo ku noqon doonaan Madaxweyne Farmaajo. Waxaan sugaynaa jawaabta ay ka bixiso. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid Share this post Link to post Share on other sites