Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo go’aan kasoo saaray doorashada madaxweynaha Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in ay sii wadayaan Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxa uu beeniyay in ay dib u dhigayaan Doorashada Bilooyinka soo socda la filayo in ay ka dhacdo Deegaanada Maamulkiisa.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhaq-dhaqaaqiisa ay wadaan iyo Doorashada aan isku xirneen.

Waxa uu tusaale usoo qaatay in xiligii Dalka uu ka socday Halgankii looga saarayay Gumeystihii la isku dhex wadi jiray Doorashada iyo Dagaalka, halkaana uu ka tusaale qaadan doono.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa uu ka dalbaday in la joojiyo ka tacsiyeenta Dadka Al-Shabaab ay ku dilaan qaraxyada iyo weerarada, badalkeedane ay ku dhaqaaqdo in ay duulaan ku qaado sida uu hadalka u dhigay.

Dadka ku dhinta Qaraxyada ka yar ayuu sheegay in ay kaga dhimanayaan dagaalka tooska ah ee lagu qaadayo Al-Shabaab, kuna qabsanayaan deegaanno uu tilmaamay in looga soo duulaan tago.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay tagayay Degmooyin katirsan Gobolka Jubada Hoose waxa uu ku dhawaaqayay Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, inkasta oo aan jirin illaa iminka deegaan ay ku duuleen.

Al-Shabaab ayaa weerartay Saldhig Ciidamada Jubbaland ee loo diyaariyay dagaalka loo qorsheeyay oo ku yaalla Deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this