Deeq A. Posted January 30, 2019 Markaan isu qiyaasay labadan dowladood ee jaarka ah ee Somaliland iyo Dowlad degaanka somalida(ama kililka5 naad)waxaad arkaysaa dhan marka laga eego labaduba inay nasiib daran yihiin. Dhanka kale marka laga eegana aad u kala nasiib fiican yihiin. Dhanka hore marka laga eego labaduba way nasiib daran yihiin waayo ,qaar waa shacab wanaagsan oo nabad jecel oo dowladooda maqla laakiin aan haysan madaxweynihii hagi lahaa.Qaarna waxay heleen madaxweyne daacad ah .Raba inuu cadaalad wax ku maamulo .Meesha ka saaro nidaamkii hore ee faasidka ahaa iyo xiddadiisiiba ,laakiin waxaanu haysan shacab dowlad raba,oo wax la dhisaya oo nabada la ilaalinaya. Dhanka kale marka laga eegana way kala nasiib fiican yihiin,Waayo waxa aad u adag in la helo hogaamiye fiican oo daacad ah. Hogaamintu maaha xaflado laga qayb galo.Hogaamintu maaha daar cusub oo hadba la isku sawiro adoo maqaskii ku jaraya. Hogaamintu waxay ka bilaabantaa shacabkaaga oo aad midayso.wacyi geliso.cadaalad tusto.cashuurtooda ku celiso ood wax ugu qabato.dhalinyarada oo ah mustqbalkii waddanka ood mudnaanta koobaad siiso.maaha inaad niyad jebiso ood tidhaahdo wadanka waxba ma dhex yaalaane tahriiba. Mustafe Muxumed omar(Mustafe cagjar) wuxuu mudanyahay in lagu daydo.waxaan marnaba is lahayn mudada uu xilka hayey iyo inta uu dhaqaajiyey.shacabkiisana waxan kula talin lahaa inay la shaqeeyaan oo ka faaiidaystaan.Wuu dhamaaday wakhtigii wax is daba marinta iyo laaluushku .Waxa yimi wakhtigii horuu marka iyo wax qabashada . Madaxweyne Muse Biixiina waxan kula talin lahaa ;waxaad haysataa dad nabad jecel oo ku ogol ee ka faaiidayso wakhtiga oo midee umadaada .Ka soo bax gurigan aad isku handaraabtay oo umadaada la hadal. Hadal iyo dhamaantii : Waxa lagu hal maalaa Hormood lagu ahaadaa Lagu kala horeeyaa Higsashada wanaaga leh Himilada dareenka leh Horukaca ayaan ka leh Hoodada nasiibka leh Hal adaygu waa libin Hido raacna waa sharaf. Waa qalinkii;Baxnaan xaaji aden diiriye Sweden haaheey@hotmail.com Source Share this post Link to post Share on other sites