Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Deegaanka Tuka-raq Ku Dhex-maray Ciidammo Ka Wada Tirsan Maamulka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tuka-raq)-Wararka aan ka heleyno deegaanka Tuke-raq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Maanta dagaal uu ku dhex-maray Ciidammo ka wada tirsan maamul gobolleedka Puntland.

Tukaraq-1.jpg

Dagaalkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Geed Qaboobe oo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidammada maamulka Puntland ee dagaalku dhex-maray, kaasi oo ku yaalla Aagga deegaanka Tuke-raq, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaadhay labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan Ciidammada maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu ku dhintay hal qof, halka ay ku dhaawacmeen 7 Askari oo ka tirsan ciidammada Puntland.

Illaa iyo hadda lama Oga sababta keentay in dagaal uu dhex-maro Ciidamo ka wada tirsan maamulka Puntland ee ku sugan Aagga deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this