Sign in to follow this  
Deeq A.

MD Farmaajo oo qaabilay wafdi ka socda QM

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay marwo Rosemary A. DiCarlo, oo ah u qaabbilsanaha Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadaynta ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxwaynaha JFS ayaa uga mahad-celiyey UN-ka taageerada ay u fidiyaan Dowladda Soomaaliya.

Farmaajo ayaa wafdiga u sheegay in dowlada ay tixgelinayso hawsha ay Qaramada Midoobay waddanka ka hayso.

“Soomaaliyana way ka go’an tahay xoojinta wadashaqeynta ay la leedahay UN iyo guud ahaan Beesha Caalamka, taasi oo ku dhisan is-tixgelin iyo is-ixtiraam,” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Dhinaca kale, wafdiga ayaa shir gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo xubno ka tirsan Gollahiisa Wasiirada, kaasi oo ay uga wada hadleen arrimo ay kamid yihiin wadashaynta QM iyo dowlada dhexe.

The post MD Farmaajo oo qaabilay wafdi ka socda QM appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this