Sign in to follow this  
Deeq A.

Ingiriiska oo safiir cusub usoo magacaabay Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Boqortooyada Ingiriiska ayaa danjire cusub usoo magacawday Soomaaliya, kaasi oo bedalaya safiirkoodii hore ee David Concar.

Safiirka cusub oo lagu magacaabo Benjamin James Fender ayaa xilka wuxuu si rasmi ah ula wareegi doonaa bisha Febraayo ee sanadkaan 2019.

War qoraal oo kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada Britain laguma xusin sababta keentay in Concar xilka laga qaado.

Balse, sida ku cad war-saxaafadeedka David Concar, ayaa waxaa loo dhiibayaa jago cusub, inkasta oo aanan la shaacin.

Bishii Janaayo ee sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii Mr Concar loosoo magacaabay danjiraha UK ee Somalia, isaga oo xafiiska joogay labo sano.

Ingiriiska ayaa kamid ah dalalka taageerada dhaqaale iyo mid siyaasadeed siiya Soomaaliya, waxaana Muqdisho uu ku leeyahay safaarad.

The post Ingiriiska oo safiir cusub usoo magacaabay Somalia appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this