Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Khayre oo ka warbixiyay kulanka madaxda DFS iyo QM

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa ka warbixiyay kulan maanta magaalada Muqdisho ku dhex-maray wafdi ka socday Qaramada Midoobay iyo madaxda ugu sareysa dalka.

Wafdiga ayaa waxaa hogaamineysay marwo Rosemary Di Carlo, oo ah u qaabilsanaha Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadaynta ee Xoghayaha Guud ee Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysay.

Khayre ayaa cod dheer ku sheegay in Qaramada Midoobay ay kala shaqeynayso dowlada la dagaalanka musuq-maasuqa, kob-cinta dhaqaalaha iyo sidii bulshada Soomaaliyeed uheli lahayd amni, caafimaad iyo waxbarasho bilaash ah.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Ra’iisul Wasaaruhu hoosta ka xariiqay inay isla garteen wafdiga in Soomaaliya loo madax banaaneeyo howlaha quseeya dalka, wuxuuna shaaciyay in xal laga gaarey wixii mad-madow ahaa ee jiray.

Dhowaan ayay ahayd markii dowlada Soomaaliya ay dalka ka eriday ergaygii qaramada Midoobay uqaabilsanaa dalka Nicholas Haysom, kaasi oo lagu eedeeyay inuu ku xadgudubay madax banaanimada wadanka, waxaana la qorsheynayaa in lasoo magacaabo wakiil cusub.

The post RW Khayre oo ka warbixiyay kulanka madaxda DFS iyo QM appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this