Deeq A. Posted January 30, 2019 Dawlada UK oo safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya Dowladda UK ayaa beddeshay safiirkii dalkaas u fadhiyey dalka Soomaaliya, ayada oo lasoo magacaabay safiir cusub, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha dibeda iyo barwaaqo sooranka UK. Ben Fender, oo magaciisa buuxa uu yahay Benjamin James Fender, ayaa loo magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya, isaga oo beddeli doona David Concar. Mr Concar ayaa la sheegay in loo magacaabi doono shaqo kale oo diblomaasiyeed, oo aan la shaacin. Sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay boqortooyada UK, Fender ayaa xilka safiirka Soomaaliya, waxa uu si rasmi ah ula wareegi doonaa kowda Bisha Febraayo ee soo socota. Magacaabistan ayaa imaneysa, xilli ay xiisad xooggan ka dhaxeyso Somalia iyo UK, islamarkaana xidhiidhka labada dal uu joogo meel aad u hooseysa. Xiisaddan ayaa ka dhalatay xadhigii Roobow iyo caydhintii Soomaaliya ay ku sameysay wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom. Go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku caydhisay wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa sababay in UK ay joojiso safar la qorsheeyey in wasiirka difaaca dalkaas Gavin Williamson uu ku tago magaalada Muqdisho Qaran News Share this post Link to post Share on other sites