Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Somaliland Oo La Kulantay Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jigjiga)-Wasiirka wasaaradda shaqo-galinta iyo arrimaha bulshada Somaliland ayaa waxa ay kulan la qaadatay Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar.

Qoraal lagu baahiyay barta facebook wasaaradda lagu yidhi:

Madaxwaynaha ismaamulka Dawlad deeganka Soomalida Itoobiya Mustafe cagjar ayaa soo dhawayn diiran u sameeyey wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland.

51268230_752865178417642_915322941411531

Wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa uga mahadnaqday madaxwaynaha soo dhawaynta uu u sameeyey, waxaanay ku bogaadisay hanaankiisa maamul iyo dhabaha wanaagsan ee u Ku hagayo ummadiisa.

Dhanka kale Wasiir Hinda waxay aad ugu dheeratay xidhiidhka qotoda Dheer ee ka dhexeeya ismaamulka Soomalida Itoobiya iyo Somaliland shacab ahaan iyo maamul ahaanba.


Ugu dambayntii Wasiir Hinda ayaa waxa ugu ducaysay madaxwaynaha in illaahay xilka u fudaydiyo kuna garab galo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this