Deeq A. Posted January 30, 2019 Boqoradda Ingiriiska ayaa Mr. Ben Fender Obe u soo magacawday safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, waxaa uu badalayaa Mr. David Concar. Mr. Ben Fender Obe ayaa soo shaqo geli-doona February 2019, Concar ayaa sidoo kale loo badalay shaqo kale. Benjamin James Fedner waxaa uu ka soo shaqeeyey meelo badan waxaa ka mid ahaa: 2016-2019: waxaa uu joogay The Foreign and Commonwealth Office (FCO) isaga oo madax ka ahaa qeybta siyaasadda amniga. 2015-2016: Tahran, Ku-xigeenka howl-galka Safaaradda 2005: The Foreign and Commonwealth Office (FCO), madaxa qeybta Iran. 2014-2015: Freetown, Waxaa uu ku-xigeen u ahaa koox UK ay u dirtay ka jawaabista Ebola 2012-2014: Kabul, Qunsul 2008-2011: Paris, Xogheyaha 1aad 2007-2008: Waxaa la soo shaqeeyey wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska 2003-2007: The Foreign and Commonwealth Office (FCO), Madaxa, waaxda Iran. 1999-2003: Ku-xigeen, kadibna xogheyaha 1aad(siyaasadda). 1997-1999: The Foreign and Commonwealth Office (FCO), Tababarka Luqadda Shiinaha. 1996-1997: The Foreign and Commonwealth Office (FCO), waxaa uu ka tirsanaa kooxda arrimaha Falastiin. Carabta/Israel. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites