Deeq A. Posted January 30, 2019 Cape Town ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay duleedka magaalada Cape Town ee caasimadda dalkaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Muxudiin, kaas oo ka mid ahaa Ganacsatada Soomaalida ee k u dhaqan dalka K/ Africa. Dilkan ayaa yimid kadib markii Burcad u dhashay dalkaasi ay weerareen Gaari uu watay Muwaadinkaasi oo ay doonayeen in ay dhacaan. Wararka qaar ayaa sheegaya in lagy dhex dilay ganacsadahani Gaarigii uu watay oo ahaa nuuca raaxada . Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay goobta uu dilku ka dhacay. Tan iyo markii lagu guda galay sanadkan 2019-ka waxaa kordhay dilalka loo geysanayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika. The post Muwaadin Soomaaliyeed Oo lagu dilay dalka K/ Afrika appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites