Sign in to follow this  
Deeq A.

Ethiopia Oo duqeyn ku dishay 35 ka tirsanaa Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay Ethiopia ayaa lagu sheegay in Ciidamadeeda cirku ay duqeyn ku dileen xubno ka tirsanaa  Xarakada Al Shabaab.

Sida ay daabacday wakaaladda dowladda EBC illaa iyo 35 Dagaalyahan ayey sheegtay Ethiopia in duqeyntani ay ku dishay, taas oo ay ka fuliyeen 24-kii bishan meel 75 Km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Sidoo kale wasaaradda Difaaca ee Ethiopia ayaa sheegay in duqeyntaasi ay ku dishay xubno sare sare oo ka tirsanaa Al Shabaab, kuwaasi oo ay magacyadooda ku kala sheegeen Abdu Usman iyo Abdu Salmaan.

Wasaaradda difaaca ayaa intaasi ku dartay in duqeytan ay sidoo kale ku burburiyeen Gaari iyo Hub ay lahaayeen Al Shabaab.

Dhawaan ayey aheyd markii Al Shabaab weerar khasaare geystay ay ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia oo marayay qeybo ka mid ah gobolka Baay ee K/ Soomaaliya.

The post Ethiopia Oo duqeyn ku dishay 35 ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this