Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaalad kacsanaan ah Oo laga dareemayo M/Baraawe

Recommended Posts

Deeq A.   

Baraawe ( Sh. M. Network )-Wararka ka imaanaya Sh/ Hoose ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayO magaalada Baraawe ee gobolkaasi.

Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxa u dhexeysaa maamulka Baraawe iyo qaar ka mid ah Odayaasha deegaanka ee ku dhaqan halkaasi.

Guddoomiyaha degmada Baraawe C/fitaax Maxamed Nuur oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in arrintani ay saameyn ku yeelatay howlihii maamulka ee degmadaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Odayaashan oo horkacaya Ciidamo Milatari ah ay joojiyeen canshuurihii laga qaadi jiray Ganacsatada, sidoo kalena ay hakad galiyeen dhismihii ka socday Garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/co.mp3

The post Xaalad kacsanaan ah Oo laga dareemayo M/Baraawe appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this