Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo qabatay Rag lala xariirinayo Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi ( Sh. M. Network )-Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in ay xireen 12 Qof oo lala xarIirinayo in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab, kadib howlgal ay ka sameeyeen deegaano dhaca xadka Soomaaliya.

Taliyaha Booliksa Kenya Joseph Boinet ayaa sheegay in dadka ay qabteen uu ka mid yahay muwaadin Soomaaliyeed oo heysta dhashadda dalka New Zealand, kaas oo lagu magacaabo Sulub Warfaa sidoo kalena watay baasaboor kale oo uu magaciisu ka dhigtay Ramadaan Yuusuf.

Mr Boinet ayaa intaasi ku daray in dadka ay xireen sidoo kale uu ka mid yahay muwaadin watay baasaboorka Ethiopia, kaas oo lagu magaacaabo Saqaawudiin Cabdullahi Maxamed.

Muddooyinkii la soo dhaafay Ciidamada Kenya ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ay ka wadaan xadka labada dala ee Soomaaliya iyo Kenya.

The post Kenya Oo qabatay Rag lala xariirinayo Al Shabaab appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this