Sign in to follow this  
Deeq A.

Muhaajiriin Soomaali ah Oo ku dhintay xeebaha Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti ( Sh. M. Network )-Hay’adda QM u qaabilsan dhanka socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in shan muhaajiriin ah oo ay Soomaali ku jirto ay ku dhinteen Jabuuti, kadib markii labo Doomood oo ay saarnaayeen ay kula dageen xeebaha dalkaasi.

Sidoo kale IOM ayaa sheegtay in la soo badbaadiyay 5 Qof, halka 130 Qof oo kale la la’yahay, waxaana shilkan uu ka dhacay xeebta Godoria ee dalka Jabuuti .

Muhaajiriintan oo u badnaa Soomaali ayaa la sheegay in ay ku sii jeedeen dhinaca dalka Yemen.

Ciidamada ilaalada xeebaha ee Jabuuti ayaa haatan wada howlgallo ay ku baadi goobayaan muhaajiriinta ku qaraqmay gudaha badda.

Inta badan muhaajiriinta ka soo jeeda Africa ayaa safaro halis ah ku gala xeebaha dalal badan, si ay u gaaraan Qaaradda Yurub.

The post Muhaajiriin Soomaali ah Oo ku dhintay xeebaha Jabuuti appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this