Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad xoogan Oo weli ka taagan magaalada Jigjiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Jigjiga ( Sh. M. Network )-Xaalad kacsanaan ah ayaa lagu soo warramayaa in weli ay ka taagan tahay magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Xiisada ayaa salka ku heysa khilaaf dhinaca maamulka ah oo u dhexeeya madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide.

Sidoo kale Ciidamada amniga ayaa saacadihii la soo dhaafay dad shacab ahaa ku rasaaseeyay magaalada Jigjiga, iyadoo ay ku dhinteen illaa labo Qof oo rayid ahaa.

Dibadbaxayaasha ayaa ka soo horjeeda fara gelin ay sheegeen in dowladda federaalka Itoobiya ay ku heyso ismaamulka Soomaalida dalkaasi.

Xaaladda ayaa saaka dagan, iyadoona Ciidamo dheeraad ah lagu soo daadiyay xaafado ka tirsan Jigjiga, si ay uga hortagaan rabshadaha magaaladaasi.

The post Xiisad xoogan Oo weli ka taagan magaalada Jigjiga appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this