Sign in to follow this  
Deeq A.

“Musaveni wuxuu ku abaal dhacay Soomaaliya oo xaalad adag ka samata bixisay” sidaa waxa yiri…..

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho oo u badan odayaal iyo aqoonyahano lasoo shaqeeyay dowladii dhexe ee dalka ayaa ka hadlay hadalkii kasoo baxay madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni.

Iyadoo dhiibanayay aragtidooda ayaa shacabka magaalada Muqdisho waxay isku raaceen in madaxweynaha Uganda uu hilmaamay abaalkii ay u gashay dowladii dhexe ee Soomaaliya, oo u tababartay Musaveni ciidamadii ugu badnaa.

Sidoo kale dadkii lasoo shaqeeyay dowladii dhexe ayaa sheegay in madaxweynihii Soomaaliya uu abaal weyn u galay Musaveni kadib markii uu ka celiyay dowlado badan oo xiligaasi doonayay inay weeraraan Uganda.

Shacabka ayaa isku raacay in madaxweynaha dalka Uganda uu ku abaal dhacay shacabka Soomaaliyeed, islamarkaan aysan ka fileyn inuu sidaasi u hadli doono, maadaama ay Soomaali abaal u gashay Uganda.

Qaar kamid ah shacabka ka qeyb galayay aragti ururuunka ayaa isku raacay in nidaamka dowladeed ee Soomaaliya uu liito, balse hadda ay wax badan iska badaleen dowladnimada Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso aragtida shacabka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/FOX.mp3

Caasimada  Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this