Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka oo lacag ku bixinaya olole ka dhan ah Qatar oo cajiib ah+Qadarka la siinayo qofkiiba+Halka lagu bixinaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Imaaraadka (UAE) oo lacag ku bixinaya olole ka dhan ah Qatar oo cajiib ah+Qadarka la siinayo qofkiiba+Halka lagu bixinaayo

 qatar.jpg

 Dibad baxayaal BEEN abuur ah oo ka dhan ah dalka Qadar ayaa ka dhacay xarunta Qaramada Midoobe ee New York.

Dibad baxahaas, oo la rumeysan yahay inay Imaaraadka Carabta abaabuleen, waxaa shaqsigii lagu siiyey boqo dollar iyada oo ujeedku ahaa in dalkaas lagu kiciyo olole ka dhan ah.

Mudaharaadkaas BEEN abuurka ah waxaa fashiliyey dibad baxe qeyb ka ahaa. Dibad baxahaas waxa uu majaladda The Independent u sheegay in uu arkay qoraal Facebook la soo dhigay akoon uu ka shakiyey oo ugu baaqayey dadka dagan Brooklyn, oo ka tirsan New York, in ay soo qaataan calamo oo ay si nabadeed xarunta UN-ta ugu mudaharaadaan.

Haweeneyda ayaa intaas ugu dartay majaladda Ingiriiska laga leeyahay in markii hore baaqa dibad baxa aan lagu soo darin magaca Qadar, balse markii ay timid ay ogaataan in si cad a muuqatay in looga soo horjeedo wadanka gacanka ku yaal.

Dibad baxayaasha sida ay sheegtay waxaa ku jiray dad ku hadlayey afka French-ga iyada oo xaqiijisay in la siiyey $100 midkiiba, loona dhiibay boodhadh ka dhan ah Qadar.

Haweeneyda oo aan magaceeda la sheegin ayaa sheegtay in ay 40 qof ahaayeen balse markii ay yimaadeen xarunta UN-ta ay ku soo biireen 40 kale oo wata boodhadhka ka dhan ah Qadar.

Waxa ay haweeneyda la wadaagtay The Independent farriin uu soo diray qof u muuqday abaabulaha oo ahayd gabadh magaceedu yahay Nezha Tagmouti.

“Waxaan qaban qaabinayaa dhacdo lagu taageerayo nabadda dunida,” ayey qortay Tagmouti. “Waxaa jiri doona heeso, khudbado nabadda ah oo lagu qaban doono United Nations-ka hortiisa.

“Waxaan u baahanahayey dad dheeraad ah oo dhageysta khudbadaha, u sacbiya oo haysta dhammaan calamada aduunka. Kuwan dheeriga ah waxaa la siin doonaa $100 midkiiba.”

Diblomaasi Qadar u dhashay ayaa  u sheegay The Independent: “Qadar wali waxaa ku socda olole beegsi ah oo lagu waxyeeleynayo sumcadeeda si looga qaado xuquuqdeeda martigalinta Kooba Aduunka ee 2022.”

Haweeneyda abaabushay dibad baxan ayaa sidoo kale la aaminsan yahay in ay ka dambeeysay isla bannaan bixii looga soo horjeeday Qadar ee ka dhacay xarunta baarlamaanka Britain.

Qadar waxa ay is hayaan wadamada Khaliijka oo ay horboodeyso Sacuudi Careebiya waxa ayna cilaaqaadka kala goosteen 2017.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this