Sign in to follow this  
Deeq A.

La-taliyaha Amniga Qaranka Maraykanka Oo U Digay Xeer Ilaaliyaha Ee Dalka Venezuela

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Lataliyaha Amniga Qaranka Maraykanka John Bolton ayaa u digay Xeer Ilaaliyaha dalka Venezuella, isaga oo sheegay in cidhib xumo uu la kulmi doono, ka dib markii xeer Ilaaliyuhu uu sheegay in uu Maxkamadda Sare ee dalka ka codsaday in hogaamiyaha mucaaradka Juan Guaido uuna dalka ka bixin.

Fariin dhinaca twitterka ah ayaa John Bolton uu ku yidhi “Waan dhaleeceynaynaa hanjabaadaha Xeer Ilaaliyihii hore ee Venezuela ee aan sharciga ku fadhiyin uu u geysanayo madaxweyne Juan Guaido.
Bolton waxa uu intaas ku daray inay cirib xumo u dambeynayso kuwa isku daya in ay mijo xaabiyaan dimoqraadiyadda, isla markaana waxyeelleeyaan Guaido.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee VenezuellaTaariq Williab Saab ayaa sidoo kale maxkamadda ka codsaday inay xayirto koontoonyinka dhinaca maaliyadda ee Mr. Guaido, xilli uu xeer ilaaliyuhu bilaabay baaris lagu sameynayo dhaqdhaqaaqyada Mr. Guaido ee uu kaga soo horjeedo Madaxweynaha dawladda shuuciga ah, Nicolas Maduro.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this