Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaasha Midowga Yurub Midowga Yurub Oo Diiday Dalabka Uga Yimid Raysal Wasaaraha Ingiriiska Theresa May

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Britain)-Hogaamiyaasha Midowga Yurub ayaa meesha ka saaray iskudayga ay Ra’isulwasaaraha Britain Theresa May ku rabto in ay mar kale dib ugala xaajooto ka bixista Ingiriiska ee Midowga Yurub bisha March.

Baarlamaanka Britain ayaa Talaadadi shalay ansixiyay codi ay ay Theresa May Midowga Yurub uga codsatay in ay dib uga wada shaqeeyaan heshiiska Brexit gaar ahaan xuduuda Ireland.

Laakin afhayeen u hadlay madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Donald Tusk ayaa gaashaanka ku dhuftay iskuday walba oo dib loogu furayo wada-hadaladi dhamaaday ee Midowga Yurub iyo Britain.

Iyadoo aanan xal laga gaadhin heshiis ay labada dhinac ka gaaran qaabka ka bixista Ingiriiska ee Midowga Yurub, Britain waxaa kusii dheeran doono dariiqa ay u mareyso ka bixista Midowga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this