Sign in to follow this  
Deeq A.

Tahriibayaal Afrikaan Ah Oo Lagu La’yahay Laba Doomood Oo Ku Degay Xeebaha Dalka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jabuuti)-Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM ayaa sheegay in ka badan 130 Tahriibayaal Afrikaan ah lagu la’ yahay meel ka baxsan Xeebaha dalka Jabuuti, kadib, markii ay labo dooni oo aad loo buux-dhaafshay ku degeen meel ka baxsan Xeebta magaalladda Godariya ee Gobalka Obokoh ee dalka Jabuuti.

TAHRIIBAYAAL-KU-GEERIYOOTAY-XEEBAHA-JABU

Afhayeenka oo lagu magacaabo Joel Millman waxa uu tilmaamay inay Doonyaha degay ku sii jeedeen dalka Yemen oo albaab laga galo u ah dalalka Gacanka Carabeed, halkaasi oo ay Tahriibayaal badan rajo ka qabaan inay ka heli doonaan Shaqo iyo nolol wacan.

Ciiddanka Jandermariiga ee dalka Jabuuti oo sameeyey gurmad, waxay soo heleen 2 nin oo ka badbaaday shilkaasi iyo maydadka 5 Tahriibe.

Mid ka mid ah dadka la badbaadiyey oo 18-jir ah ayaa sheegay inuu rumeysan yahay inay 130 Rakaab la socdeen Doonidii u ula socday, balse uusan war ka haynin tirada Tahriibayaashii la socday doonida kale ee degtay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this