Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Itoobiya Oo Sheegtay In Duqeyn Ay Ku Dishay 35 Al-Shabaab Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-BaydhaboWasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay duqeyn ka dhacday Gobolka Baay 24-kii bishan, kaasoo lagu qaaday saldhig Al-Shabaab ku lahaayeen deegaan 75KM u jirta Baydhabo.

Sida ay shaacisay Warbaahinta dowladda Itoobiya EBC duqeynta oo socotay 44 daqiiqo ayaa laga fuliyay saldhigga deegaanka Buur Haybe, waxaana lagu dilay 35 dagaalame ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan ay aheyd tii ugu waqtiga dheereyd ee Itoobiya ay qaado.

Itoobiya ayaa qeyb ka ah howlgalka AMISOM, inkastoo ay jiraan Ciidamo kale oo ka madax banaan howlgalka AMISOM, kuwaasoo saldhigyo ku leh Gobolada dalka Soomaaliya.

Duqeyntan ayaa wararku sheegayaan inay jawaab u aheyd weerarkii 18-kii bishan lagu qaaday Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan la socdeen duleedka magaalada Buurhakaba.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in askar fara badan ay ka dileen Ciidamada Itoobiya, kuna furteen saanad ciidan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this