Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Shacabka Muqdisho Sidee Ayeey u Arkaan Hadalkii Kasoo Yeeray Madaxweynaha Uganda?

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka aragti dhiibtay hadal kasoo yeeray madaxweynaha dowladda Uganda, kaasi oo ahaa in Soomaaliya aanay ka jirin dowlad.

Shacabkan oo lasoo hadlay Goobjoog ayaa sheegay qaarkood iney ka xun yihiin hadalkaasi, islamarkaana dowladda dhexe looga baahan yahay in jawaab degdeg ah ka bixiso si ay u ilaaliso qarannimada Soomaaliya.

Qaar kale oo shacabkan ka mid ah ayaa qaba in hadalkaasi uu ku saxan yahay madaxweynaha Uganda, sababtuna waxa ay ku sheegeen iney tahay awood la’aanta dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale in ay dowladda isku tashato oo ay iska saarto ciidamada shisheeye ee ay ugu horreeyaan kuwa Uganda.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/ARAGTIDA-SHACABKA.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this