Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Bandow Lagu Soo Rogay Magaalada Jigjiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulan degdeg ah oo magaalada Jigjiga ku yeesheen laamaha ammaanka ee Somali State iyo sidoo kale kuwa dowladda federaalka Itoobiya ayaa lagu go’aamiyey arrimo dhowr ah.

Ugu horreyn, waxaa Bandow lagu soo rogay magaalada Jigjiga wixii ka dambeeyey habeenkii 10-ka fiidnimo, sidoo kalena aan la qaban karin shirar aanu maamulka ogeyn.

Sidoo kale, waxaa la go’aamiyey in aad loo adkeeyo ammaanka xarumaha ganacsiga ee sida gaarka ah loo leeyahay.

Hadalkaan waxaa warbaahinta u sheegay C/laahi Maxamed oo ah ku xigeenka madaxa amniga ee Somali State.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Bandow.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this