Sign in to follow this  
Deeq A.

Taageerayaasha Kooxda Muqdisho City Club Ayaa Abaal Mariyay  Ciyaartooydii  Ugu Waxqabadka Wanaagsaneyd Sanadkii Lasoo Dhaafay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taageerayaasha kooxda dowaladda hosee ee Muqdisho City Club ayaa qabtay xaflad lagu abaal marinayay ciyaartooydii ugu wax qabadka badneyd sanadkii lasoo dhaafay dhinaca kubbadda cagta iyo Kolayga iyo ka guurida magacii hore ee Banaadir SC.

Guddomiyaha kooxda dowladda hose ee Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh ayaa  sheegay heerka ay iminka taagan tahay kooxda ay ku timid is jaceylka iyo wanaaga ka dhaxeeyo maamulka,ciyaartooyda,taageerayaasha tan iyo kolkii uu la wareegay hogaaminta kooxdan ay soo hooysay guulaha waaweyn oo dhinac ka qeybgalka tartamdda gudaha iyo dibada.

51188932_2072660209691792_85407406507719

Guddoomiyaasha kooxaha kubbadda cagta oo iyagana qeyb ka ahaa kulanka ayaa bogaadiyay maamulka kooxda Muqdisho City Club fikiradaha cusub ee sanad waliba soo bandhigaan iyago taageerayaashooda waxayna tilmaameyn in ay wax badan kaga dayandoonaan dhinacyada horomarka iyo dhiiri gelinta.

748A0070-300x200.jpg

Xogyaha Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Axmed Xassan Yalaxow ayaa sheegay tan iyo markii ay la wareegeyn kooxda Muqdisho City Club ay da’daal u galeyn sidii lagu soo celin lahaa  waxyaabihii aasiga u ahaa naadiga iyo iskaashii kala dhaxeeyay kooxaha kale ee caasimadaha caalaamka  ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin garab istaagida iyo ka warqabida xirfadlayaasha ku ciyaara magaca dowaladda hose ee Muqdisho City Club.

50949499_290160938339451_540188967509688

Taageerayaasha kooxda Muqdisho city Club ayaa sidan u abaal mariyay xidigahooda

Daafcii ugu Wanaagsanaa Axmed Cabdullahi Cabdi (Baanoow)

Qadkii dhexe ugu Wanaagsanaa-Cali Cumar Cali (Cali Yare)

Weerarkii ugu fiicnaa-Cabdiqaadir Aadan Eenow

Goolkii ugu fiicnaa-Xassan Maxmed Aadan (Xassan Santos)

Da’yarkii ugu fiicnaa-Zakariye Maxamed Cabdi

Xidiga sanadkan ama (Player of the Year)-Cabdiraxmaan Mahad Ciise

748A0084-300x200.jpg

25-November 2018-ayay aheyd markii uu Maamulka Gobolka Banaadir uu la wareegay kooxda Muqdisho City Club hadaba maxay tahay hadafyada  ay heegsanayaan maamulka,tabarayaasha,laaciibtiinta iyo taageerayaasha kooxdan dhinacyada gudaha iyo dibada waxaa inoo sharxaya Guddomiyaha kooxda dowladda hose ee Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh

Halkan Ka Daawo Warbixintaa Oo Dhameystiran

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this