Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirka Soomaliya u fadhiya kuwait Oo gaaray dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwiat Danjire Cabdullahi Odawa ayaa garay caasimadda dalkaasi ee Kuwait City.

Danjire Danjire Cabdullahi Odawa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey

Madax ka socotay  waasiirka arrimaha dibadda Wadanka kuwait Sheekh Khalid Alfarasi iyo mas’uuliyiin kaleoo ay kamid ahaayeen ahayeen 19 safiiro oo ka kala socday wadamada Africa Iyo Carabta.

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee kuwait oo uu hor kacayay siihayaha safaaradda Abiib Muusa Faraax,aqoon yahano iyo qaar kamid ah jaaliyadda SOomaaliyeed ee kunool dalkasi ayaa kamid ahaa soo dhaweynta danjiraha.

Danjire Cabdullahi Odawa  ayaa kulamo is xog wareysi ah la yeeshey madaxda dalkaasi Kuwait,iyo diblomaasiyiin kale,si loo dardargeliyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya SOomaaliya iyo Kuwait oo ay mas’uuliyadiisu tahay.

Sidoo kale wuxuu niyad wanaag iyo dhiirogelin u muujiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi kuonool,kuwaasi oo safiirka ka sugaya sidii ay u heli lahaayeen adeegyadii muwaadiniintu ay uga baahnaayeen safaaraddooda.

The post Safiirka Soomaliya u fadhiya kuwait Oo gaaray dalkaasi appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this