Sign in to follow this  
Deeq A.

Fanaan hore Axmed Biif oo muxaadaradii u horeysay ku qabanaya masjid weyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Cabdi Kariin Biif hadana loo yaqaan Axmed Kheyr oo ahaa fanaan hore ayaa markii ugu horeysay sheegay inuu muxaadaro diini ah ku qaban doono magaalada Baydhabo.

Axmed Kheyr, ayaa Sheegay in muxaadaradaasi uu ku qaban doono magaalada Baydhabo gaar ahaan masaajidka Jaamaca oo ku yaala bartamaha magaalada.

Wuxuu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ka codsanayo inay kasoo qeyb galaan muxaadarada uu ku qabanayo Masjidka Jaamaca ee magaalada Baydhabo, wuxuuna sheegay in faa’ido badan ay ka heli doonaan.

Walow uusan sheegin mowduuca muxaadarada, haddana wuxuu sheegay inuu kaga hadli doono arrimo badan oo ay dadka ka faa’idi doonaan.

Axmed C/kariin ayaa  muddooyinkii ugu dambeeyay barashada diinta Islaamka ka waday duleedka magaalada Muqdisho.

Wuxuu horey fariin ugu diray fanaaniinta kale inay kusoo biiraay Markaz uu diinta Islaamka ka barto oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this