Sign in to follow this  
Deeq A.

Wabixinta musuqa dunida oo muujisay in xukuumada Kheyre ay laba mid tahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixin ay soo saartay hay’adda Transparency International ee la xiriirtay jaantuska musuq maasuqa aduunka ayey Soomaaliya markale ka gashay booska ugu hooseeya.

Daraasadda ayaa lagu sheegay in 2018-kii dalalka aduunka wax horumar ah sameyn iyada oo ay wali hoggaanka daahfurnaanta iyo musuq maasuq la’aanta u hayso Denmark.

Soomaaliya ilaa iyo inta la xusuusto, dhowr iyo tobankii sano ee tagay, waxa ay hoggaamineysay ama kaalinta kowaad uga jirtay dalalka ugu musuqa xun.

Shanta wadan ee ugu hoseeya wxaa ka mid ah Sudan, North Korea, South Sudan, Suuriya iyo Soomaaliya.

Hadaba, maxaan ka baran karnaa in Soomaaliya wali ugu horreeyso dalalka ugu TUUGADA badan?

Rajo badan ayaa laga qabay markii hore Xukumadda Nabad iyo Nolol ee uu hoggaamiyo Ra’iiusl Wasaare Xassan Cali Kheyre in ay wax ka qabato musuqa hareeyey dalka balse waxaa soo baxday in weli aan taas lagu guuleysan.

Daraasadda Transparency waxa ay daliil u tahay in Soomaaliya wali sideedii ay tahay balse waxaa xaqiiqo ah, wallow aysan jirin kaalin ka hooseysa halka ay hadda ku jirto haddii si baahsan loo baari lahaa in musuqa ay suurta-gal ahayd in heerkan kan xun yahay.

Tusaale, Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle wali waxaa ku maqan oo uu xisaab celin ku sameyn waayey 42m oo meel ay martay la waayey.

Dhammaan wasaardaha, xafiiska Ra’iiusul Wasaare Kheyre waa kuwo uu musuqu hareeyey taas oo ka dhigan niyad jab shacab.

Waxaa jira dadaallo badan oo xukuumadda Kheyre ay sheegtay inay sameysay si musuq maasuqa loo ciribtiro, hase yeeshee waxaa muuqata laba mid. In sheegashadaas aysan jirin oo ay been tahay, ama inay sax tahay laakiin dadaalka loo baahan yahay in lasii badiyo, oo aysan ku filneyn in Soomaaliya aysan liiskan horumar ka sameyso.

Sidoo kale, waxaa macquul ah in dadaalka xukuumadda uu jiro balse ay dalalka kale ee kaalimaha hoose galay ay kasii dadaal badan yihiin Soomaaliya, taasi ooh or-istaageysa in liiska ay sare uga kacdo Soomaaliya.

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this