Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe “DF hal arin oo ay caan ku noqotay hanaga deyso anagana aan ka gudubno”

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay howlgalka ciidamada Jubbaland ka wadaan deegaanada Jubbooyinka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uu ka dalbanayo in laga gudbo arinta caanka lagu noqday ee ah in maalin kastaa laga tacsiyeeyo dadka ku dhinta weerarada Al shabaab.

Wuxuu sheegay in taa badalkeeda loo baahan yahay in Al shabaab lagu weeraro deegaanada ay joogaan, islamarkaana taasi ay ka qasaaro yaraan doonta marka iyaga lasoo weeraro, sida uu sheegay.

“Waxaan u rabnaa inaan u diyaar garowno dagaalka ka dhanka ah Al shabaab, Waxaa u baanahay tacsi uun inaan ku jirin oo aan ka gudubno oo aan ficil la nimaado, waxaan oranayaa dowladu tacsida faraha badan aan iska deyno aan howlgalo, waan hubaan inta inooga dhimato fadhiga inaysan socod nooga dhimaneyn.”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhinaca kale Axmed Madoobe, ayaa ka hadlay warar maalmihii ugu dambeeyay soo baxayay oo ku aadan in dagaalka Axmed Madoobe uu iclaamiyay inuu doonayo in doorasho aysan ka dhicin deegaanada maamulkaasi.

Wuxuu sheegay Axmed Madoobe in doorashada ay dhaceyso waqtiga loo qorsheeyay islamarkaana aysan shaqo isku laheyn doorashada iyo howlgalka ciidamada sameynayaan

“Waxaan maalmahaan maqlayay Axmed Madoobe dagaal ayuu galay, wuxuuna rabaa doorashada inaysan dhicin oo la yiraahdo dagaal baa lagu jiraa doorasho ma dhaceyso, taasi ma dhaceyso, gacantaan waan ku codeyneynaa gacantaana waan ku dagaalameynaa, doorashada Jubbaland wey dhaceysaa, dagaalka iyo doorashada iskuma xirna”.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this