Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Khayre oo la kulmay Madaxweynaha Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Sh.M.Network) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo shalay Kenya ku tegay booqasho rasmi ah ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula yeeshay madaxwaynaha dalkaas, Uhuru Kenyatta.

Khayre iyo Kenyatta ayaa ka wada hadlay adkaynta cilaaqaadka labada dawladood iyo iskaashiga dagaalka ka dhanka ah wax loogu yeero argagaxisada,

Labada mas’uul ayaa waxay isla garteen in xoojinta xariirka labada dawladood ka dhexeeya uu muhiim u yahay Horumarka iyo xasiloonida gobalka geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha oo madaxwayne Kenyatta u muujiyay sida ay muhiim u tahay in loo midoobo xasilinta iyo nabadaynta gobalka ayaa dawladda Kenya u ballan qaaday in Soomaaliya ay ku garab taagantahay dagaalka ka dhanka ah “argagaxisada”.

Madaxwayne Kenyatta ayaa bogaadiyay wadada saxda ah ee Soomaaliya ay ku taagantahay dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo xariirka wanaagsan ee ay la leedahay bah-wadaagta caalamka, waxa uuna ballan qaaday in Kenya ay sii wadi doono taageeradeeda dadaallada caalamka ee dalka Soomaaliya lagu xasilinayo, dibna loogu dhisayo.

DyGNxZfX4AAwzvo.jpg

DyGN0-bX4AAum9M.jpg

The post RW Khayre oo la kulmay Madaxweynaha Kenya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this