Sign in to follow this  
Deeq A.

Rabashado ka bilowday magaalada Jigjiga iyo rasaas la maqlayo+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Jigjiga (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada jigjiga ayaa sheegaya in rabshado ay ka bilowdeen magaalada Jigjiga, waxaana xaafadaha qaar laga maqlay rasaas dhaceysa.

Wararka ayaa sheegaya in qaar kamid ah dadka kasoo jeeda Qowmiyadda Amxaarada ay xireen waddooyinka qaar ee magaalada,waxaana joogsaday dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo gaadiidka dadweynaha.

Wararka ayaa sheegaya in qowmiyadda amxaaradda ay ka caroodeen gaadiid ay lahaayeen iyo goobaha ay ku cibaadeystaan oo waxyeelo la gaarsiiyay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka magaalada Jigjiga, xaalada ayaana caawa u muuqata mid qasan.

1-147.jpg 2-141.jpg

La soco waxii kasoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this