Sign in to follow this  
Deeq A.

Iska hor imaad khasaaro geystay Oo ka dhacay Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor imaad u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo maanta ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Iska hor imaadka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu yimid, kadib markii ay isku dhaceen Ciidamo ka kala amar qaata guddoomiyaha Balcad iyo xoghayaha cusub ee degmadaaasi.

Labada mas’uul ayaa isku qabtay arrimo la xariira maamulka, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Inta la og yahay waxaa iska hor imaadkan ku dhintay hal qof , iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale oo dhammaan ahaa dhinacyadii dagaalamay.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay dagaalkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Balcad.mp3

The post Iska hor imaad khasaaro geystay Oo ka dhacay Balcad appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this