Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog dheeri ah oo ka soo baxday qaraxii ajaaniibta lagu dhaawacay maanta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxa maanta ka dhacay duleedka Muqdisho waxaa la sheegayaa in lala beegsaday gaari ay la socdeen ajaanib u shaqeynayey mid ka mid ah shirkadaha ka howlgala Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey 3 Injineer iyo askari la socday ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, waxaana isla markiiba la geeyey cusbitaallada Muqdisho.

“Waxaan idin xaqiijineynaa in qarax lala eegtay Injineero Somali iyo ajaaniib isugu jiray oo ka tirsan Shirkadda Korontada BECO, dhaawacyo ayaa soo gaaray iyaga oo Afar ah oo uu ku jiro Askari, waxaan ku daba jirnaa raggii falkan ka dambeeyay, shacabka waxaan ka codsaneynaa inay la shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka.” ayuu yiri Xoghayaha Degmada. Garas-baaley Musharaf Cabdi Axmed.

Wararka qaar ayaa sheegaya in injineerada ajanaiibta ah ay kasoo jeedaan dalka Shiinaha.

Lama qaabka iyo sababta loola beegsaday, weli kama hadlin hey’adaha amniga iyo shirkadda ay ka socdeen intaba.

Maalmo kahor ayay aheyd markii Qarax gaari oo ka dhacay Degmada Hodan lagu beegsaday Dhaqaatiir isugu jirta Somali iyo Syrian, xilligaasi oo ay ku dhaawacmeen Afar Dhaqaatiir ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this