Deeq A. Posted January 29, 2019 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ugu yaraan labo Qof ayaa ku dhimatay, shan kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib qarax loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay nawaaxiga Wasaaradda Batroolka, Ex Baarlamaan ee magaalada Muqdisho, sida uu xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasaddda maamulka gobola Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed Tuulax. Guddoomiye Tuulax ayaa sheegay in Gaariga qarxay goor hore la soo dhigay meesha ay wax ka dhaceen, islamarkaana dadka wax ku noqday ay yihiin shacab ka agdhawaa halkaasi. Ma jirto illaa iyo iminka cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, balse Al Shabaab ayaa qaraxyo nuucaan oo kale ah horay uga fuliyay magaalada Muqdisho. Sidoo kale lama oga bartilmaameedka weerarkan, walow meesha ay wax ka dhaceen ay tahay goob istaraatiiji ah oo ay u dhow yihiin xarumo wasaaradeed oo ay ka mid tahay wasaaradda Batroolka xukuumadda Soomaaliya. Waa qaraxii ugu khasaaraha badnaa sanadka cusub ee 2019, marka loo eego qaraxyo ubadnaa kuwa lagu xiray Gaadiid ay wateen shaqsiyaad ka tirsan shaqaalaha dowladda Soomaaliya, waxaana qaraxyadan ay dhacayaan, xilli isgoysyada Muqdisho iyo baraha koontarool la soo buux dhaafiyay Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano ku sameeya Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa raaxda ee gaarka loo leeyahay. The post Faah faahin:-Qarax xoogan Oo ka dhacay M/Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites