Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab Oo weeraray Saldhig ku yaalla Jalalaqsi

Recommended Posts

Deeq A.   

Jalalaqsi ( Sh. M. Network )-Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay weerar xoogan ay ku qaadeen saldhig Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa la sheegay in dhowr jiho looga qaaday saldhig Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiiin duleedka degmadaasi.

Warar Al Shabaab ay ku baahiyeen bogagooda Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in khasaaro lixaad leh weerarkaasi ay ku gaarsiyeen Ciidamadaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka taliska AMISOM oo ku aadan weerarkaasi.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro la bartilmaameedsada saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

The post Al Shabaab Oo weeraray Saldhig ku yaalla Jalalaqsi appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this