Deeq A. Posted January 29, 2019 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii barqanimadii maanta ka dhacay nawaaxiga Taalada Daljirka Daahsoon ayaa la dhigay goobaha caafimaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho. Mid ka mid ah darawallada ka shaqeeya gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Amiin Ambalaas oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay khasaaraha qaraxaasi. Waxaana uu tilmaamay in goobta uu qaraxu ka dhacay ay ka qaadeen illaa 4 Qof oo qaba dhaawacyo kala duwan. Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa waxyeelada ugu badan ay ka soo gaartay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan. The post Dad dhaawacyo ah Oo la dhigay Isbitaallada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites