Deeq A. Posted January 29, 2019 Cadaado ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta qof shacab ahaa lagu dilay agagaarka deegaanka Godinlabe ee gobolkaasi. Dilkan ayaa la sheegay in ay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo deegaanka ah, iyadoona uu salka ku hayo Aano Qabiil. Xiisad ka dhalatay dilkaasi ayaa lagu soo warramayaa in haatan ay ka taagan tahay duleedKa magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka Galmudug. Sidoo kale waxgaradka deegaanka ayaa bilaabay dadaaallo nabadeed oo looga hortagayo colaadaasi. Xaaladda ayaa hadda kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi. The post Kooxo hubeysan Oo qof Rayid ahaa ku dilay G/ Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites